Barnaamijka Dhalinyarada iyo Nabadda oo looga hadlay doorka dhalinyarada ay ka qaadan...

Barnaamijka Dhalinyarada iyo Nabadda oo looga hadlay doorka dhalinyarada ay ka qaadan karaan xallinta Khilaafaadka

30
0
SHARE

Barnaamijkan oo ay taabageliso hay’adda ka shaqeeysa arimaha dhalinyarada ee YPEER oo ay todobaadkan marti ku ahaayeen madaxa maaliyadda golaha dhalinyarada degmada Safiyo Baasi Muqtaar iyo Afhayeenka golaha dhalinyarada degmada Cali Cabdulle ayaa looga dooday doorka ay dhalinyaradu ka qaadan karaan xallinta khilaafaadka.

Barnaamijka intii uu socday waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa dhageysteyaasha oo qadka teleefonka uga qeyb-qaadanayay kuwaa oo aragtidooda ka dhiibanayay mowduuca.

Masuuliyiintii ka qeybgalay barnaamijka ayaa sheegay in dhalinyaradu ay doorka ugu wanaagsan ka qaadan karaan xallinta khilaafaadka, ayagoo sheegay in awoodda ugu weyn ee dalkeenna maanta heeysto ay tahay dhalinyaro oo tirade ugu badan ee bulshadeenna ah.

Cali Cabdulle, Afhayeenka golaha dhalinyarada degmada ayaa sheegay in ay waajib ku tahay dhalinyarada in ay ka shaqeeyaan nabadda dalka, asagoo xusay in haddii ay kaalintaasi gabaan uu dalku galayo marxalad ka fool-xun tii uu hore usoo maray.

Waxa uu sheegay in loo baahanyahay in dhalinyarada la siiyo tababarro ku aadan ilaalinta nabadda iyo xallinta khilaafaadka, isagoo arimahaasi ka hadlaya waxa uu yiri: “Dhalintarta waxaa muhiim ah in la isugu keeno shirweeyne loogu wacyigelinayo doorkooda, waddada ay u mari karaan xallinta khilaafaadka bulshada dhexdeeda ah, qof aan waxba aqoon xal ma keeni karo.”

Safiyo Baasi Muqtaar, oo ah madaxa maaliyadda golaha dhalinyarada degmada ayaa sheegtay in dhalinyaradu ay yihiin mustaqbalka dalkan, haddii ay wanaagsanaadaanna uu dalku hagaagayo.

“Dhalinyaradu waa mustaqabalka maanta mustaqbalka beri ayay na yiraahdaan odoyaasha, dal walba dhalinyartiisa ayaa dhista,” ayay hadalkeeda raacisay.

Mid kamid ah dhageystayaasha oo magaciisa kusoo gaabiyay Farxaan ayaa sheegay in dhalinyarada maanta looga faa’iideysto dano siyaasadeed oo gaar ah.

Waxaana uu yiri: “Siyaasiyiinta dadka ay rabaan in ay maamulaan ama ay magacooda wax ku helaan waa dhalinyarada, dadka shaqooyinka ugu muhiimsan haya waa dhalinyaro, waad ogtahay askarinimo iyo xagjirnimo dhalinyaro ayaa loo adeegsadaa, dhalinyaradu waa miraha dalka, haddii ay isfahmaan awood ayay leeyihiin, dalkan waxa xoreeyay waa dhalinyaro.”

Farxaan ayaa baaq u diray dhalinyarada isagoo yiri: “Dhibaatada ugu weyn dadka ay ku dhaceeyso waa dhalinyarada, Dhalinyaradiina arrimo qabyaalad ayaa la geliyay, Xallinta Khilaafka way ka qeybqaadan karaan, Ayagoo mideeysan in ay ka hadlaan warbaahinta oo ay yiraahdaan annagu yeeli meeyno dhibna ma rabno, dhalinyaradii dalkaa nahay, 100% waa dhalinyaro awoodda dalka.”

Hoos ka dhageeyso Barnaamijka oo dhameystiran;

LEAVE A REPLY