Dhageeyso Barnaamijka Nabadda iyo Dhalinyarada Doorka dhalinyarada ee….

1107

Barnaamijka oo todobaadka diiradda lagu saarayay Kaalinta dhalinyarada ay ka qaadan karaan sugidda nabadgelyada xilliyada doorashooyinka ayaa waxaa marti ku ahaa Maxamed Bile Cabdi oo ah Xoghayaha golaha dhalinyarada degmada Kismaayo.

Xoghayaha ayaa ugu horeyn ka warbixiyay howlaha shaqo ee golaha dhalinyarada Jubbaland iyo dadaallo lagu mideeynayo dhalinyarada Jubbaland oo ay iska kaashanayeen wasaaradda dhalinyarada.

Waxa uu xusay in shirweeyne la isugu keenay dhalinyarada degmooyinka xorta ah ee Jubbaland uu ka dhacay Doolow, halkaana ay dhalinyartu ku wada hadleen ugu danbeeyna kasoo saareen qodobo lagu mideeynayo dhallinta.

Mowduuca todobaadkan oo ahaa doorka dhalinyarada ay ka qaadan karaan siyaasadda ayaa mar su’aal laga weeydiiyay ayuu sheegay in dhalinyaradu laf dhabar u yihiin nabadgelyada, isagoo xusay in haddii hay’adaha ammaanka iyo dhalinyaradu iskaashadaan ay fududaaneeyso kahortagga dhibaatooyinka amni darro.

Waxa uu xusay in loo baahanyahay in dhalinyarada la siiyo fursad si ay qeyb uga noqdaan horumarka dalka, isagoo sheegay in uu aaminsanyahay in dhalinyartu wax badan kusoo kordhin karto dalka.

“Dhalinyarada wax badan ayay kusoo kordhin karaan siyaasadda, maxaa yeellay Jiilkan waa jiil aad u fayow, maskaxdooda saafi ay tahay, calooshoodu saafi tahay, walina aan ku fogeyn dhanka qabyaaladda, waa dadka hadda soo koray oo burbur kusoo jiray, waxna soo bartay, maanta haddii qofka dhalinyarada ah fursad loo siiyo dalka wax ka dhis oo ka qeybqaado waxay ila tahay in ay wax wanaagsan qabanayaan, laakiin fursad looma siiyo oo waxaa la yiraahdaa waa Mustaqbalka berito.”

Afhayeenka ayaa xusay in golaha dhalinyarada Jubbaland ay wada shaqeyn wanaagsan la leeyihiin hay’adaha ammaanka islamarkaana ay ku caawiyaan sidii looga hortagi lahaa falalka amni darro.

“Dhalinyaradu kaalin weyn ayay ka qaataan dhalinyarada, laamaha amniga ayay la shaqeeyaan, waana u dhago fududyihiin, marka xaafadaha la baarayo qeyb weyn ayay ka qaataan oo waxbay la xalliyaan laamaha amniga,” Ayuu hadalkiisii raaciyay isagoo intaa ku daray in looga baahanyahay madaxda dowladda, odoyaasha dhaqanka iyo siyaasiyiintaba in ay dhiirigeliyaan dhalinyarada oo loo sheego in ay kaalin ku leeyihiin awoodda dalka.

Dhinac kale, dhageystayaasha ayaa iyaguna qodobka aragtidooda kasoo dhiibtay ayagoo intooda badan isku raacay in kaalinta ugu weyn ay dhalinyaradu ka qaadan karaan nabadgelyada xilliyada doorashooyinka, waxayna sheegay in dhalinyaradu ay yihiin dadka ugu badan ee bulshada, haddii ay wanaag ka shaqeeyaanna wanaag la helayo haddii ay xumaan ka shaqeeyaan sidoo kale.

Faa’iso C/qaadir oo kamid ah dhageystayaasha ayaa tiri;

“Aad iyo aad bay u fiicnan lahayd In wiilasha soo koraya oo tahriibka iyo badaha ku dhamaanaya ay ka qeybgalaan siyaasadda, Waxaan aaminsahay in dhalinyaradu ay kaalin weyn ka qaadan karaan amniga, haddii dhalinyarada kalsooni la geliyo.”

 

Nimco oo iyaguna kamid ah dhageystayaasha ayaa sheegtay in dhalinyaradu ay kaalin weyn ku leeyihiin nabadgelyada;

“Dhalinyaradu waa laf dhabarta bulshada, door muhiim ah ayay ku leeyihiin in ay amniga ka qeybqaataan.”

Sidoo kale Yuusuf Cali oo isaguna ka qeybqaatay barnaamijka ayaa sheegay in ka shaqeyta nabadgelyada loo baahanyahay in ay xaafadaha kasoo bilaabato, mar uu arintaasi ka hadlayayna waxa uu yiri; “Door weyn bay ka qaadan karaan dhalinyaradu, waayo ammaanka nin kasta gurigiisa iyo inta uu ka shakiyo haduu soo sheego qeyb weyn ayuu ka qaadan karaan, dadka waa in ay kala shaqeeyaan hay’adaha amniga iyo dowladooda sidii loo sugi lahaa ammaanka.”

Hoos ka dhageeyso Barnaamijka oo dhameystiran;