Dowlada hoose ee Degmada kismaayo oo gaadiid ku warejisay Shirkada Waamo

Dowlada hoose ee Degmada kismaayo oo gaadiid ku warejisay Shirkada Waamo

195
0
SHARE

Dowladda Hoose ee degmada Kismaayo ayaa gaadiid loogu talagalay qaadista qashinka ku wareejiyay shirkadda Waamo ee qaabilsan nadaafadda magaalada Kismaayo.

Maamulka degmada Kismaayo ayaa sheegay in tani ay qayb ka tahay soo celinta bilicda iyo quruxda degmada Kismaayo maadaama la galayo xilli doorasho oo ay magaalada ku soo wajahanyihiin wufuud fara badan.

Maareeyaha guud ee shirkada Nadaafadda Waamo  C\raxmaan  Maxamed  Cabdi ayaa Bulshada ugu baaqay in si hufan ay ula shaqeeyaan shaqaalaha Shirkadda Nadaafadda ee Kismaayo.

Guddoomiyaha Degmada  Kismaayo Ibraahim Yuusuf  Maxamed  Timajilac ayaa Shirkadda iyo shaqaaleheeda si gaar ah ugu amaanay sida is xilqaanka ah ee ay uga shaqeeyaan nadaafadda deegaanka waxa uuna ku bogaadiyay in ay sii laba jibaaraan hawshga ay bulshada u hayaan

LEAVE A REPLY