Xarun ay ku shaqeenayaan Odayaasha dhanka oo maanta xariga laga jaray

Xarun ay ku shaqeenayaan Odayaasha dhanka oo maanta xariga laga jaray

111
0
SHARE

Wasaaradda Arrimaha gudaha dowlad goboleedka Jubbaland ayaa xarigga ka jartay Xarunta odayaasha dhaqanka deegaanada Jubbaland.

Xaruntaan oo ay ku howl gali doonaan odayaasha dhaqanka Jubbaland ayaa ka kooban xaafisyo qalabeysan iyo hoolka shirarka iyo qaybo kale oo muhiim ah.

Waxaa xarigga ka jaray Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha gudaha Jubbaland Aadan Faarax Gaarane iyo Guddoomiyaha degmada Kismaayo Ibraahim Maxamed Yuusuf.

Afhayeenka Salaadiinta Jubbaland Ugaas Cumar Xiiray ayaa u mahadceliyey Wasaaradda Arrimaha gudaha oo kaalin weyn ka geysatay dhismaha gurigaan ay ku shaqayn doonaan Odayaasha dhaqanka.

Dhismahaan ayaa odayaasha dhaqanka Jubbaland ka caawin doona qabashada howlaha hor yaalla taas oo ay ugu horreyso dib u heshiisiinta iyo xalinta khilaafaadka soo kala dhex gala Bulshada

LEAVE A REPLY