Dowladda Soomaaliya oo xaqiijisay tayanta adeegyada ay helayaan Xujeyda Soomaaliyeed sanadkan

948

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS ayaa shaacisay in sanadkaan wasaaraddu ay aad u hibisay adeegyada ay helayaan xujeyda Soomaaliyeed ee soo gudanaya sanadkaan waajibaadka xajka.

Mudane Cismaan Aaadan (Dhuubow) Wasiir kuxigeenka wasaaradda Awqaafta Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in iyaga oo ka fakaraya ineysan soo laaban culeysyo horey ay ula kulmi jireen xujayda ay waqti badan galiyeen sidii loo dhameystiri lahaa adeegyada muhiimka u ah xujeyda.

Wasiir kuxigeenka ayaa dhinaca kale sheegay in shirkadaha bixiya adeegyada xajka sanadkan si siman ay u tartameen, islamarkaana tayadooda lagu soo kala xushay.

Waxaa jiray guddi ka kooban culumada iyo bulshada Rayidka, qeybna ay ka aheyd wasaaradda oo horey usoo saaray shuruucda looga baahan yahay shirkadaha bixinaya adeegyada xajka, kuwaas oo loogu talo galay in meesha ay ka saaraan dayac la sheegay in ay la kulmi jireen xujeyda Soomaaliyeed