Galmudug oo sheegay in ay gacanta ku hayaan dadkii ka Dambeyay...

Galmudug oo sheegay in ay gacanta ku hayaan dadkii ka Dambeyay dilkii ka dhacay Duleedka Magaalada dhuusamareeb

97
0
SHARE

Madax Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan aya faah faahin ka bixiyay howgallo ka dhacay deegaano ka tirsan Maamulkaas,kuwaas oo lagu soo qabtay dad ku eedeysan dil ka dhacay duleedka Magalada Dhuusamareeb.

Shir Jaraa’id uu ku qabtay dhuusamareeb ayuu sheegay in Ciidamada Ammaanka ay gacanta ku dhigeen dad ku eedeysay Afartii ruux ee todobaadkii hore lagu dilay deegaanka Dhan-Waris,kuwaas oo dhamaantood kasoo jeeday deegaanada Galmudug

Waxa uu sheegay in maleeshiyadkaas ku eedeysan dilka Afarta Ruux ee ku sugnaa Goob shinida malabka looga maalo ay gacanta ku hayaan,isla markaana ay Cadaaladda horkeeni doonaan.

Dhinaca kale Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa sheegay in Ciidamada Ammaanka Galmudug ay ku raadjoogaan dadkii dil wadareedka duleedka Gaalkacyo ugu geystay 9 qof oo kasoo kala jeeday deegaanada Galmudug iyo Hir-Shabeelle.

Sidoo kale Shacbaka iyo waxgaradka Magalada Gaalkacyo ayuu ka codsaday inay la Shaqeeyaan Ciidamada Amniga si gacanta loogu soo dhigo dadkii ka dambeeyay dilkii ka dhacay duleedka Magalada gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Si kastaba Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxa aad looga hadal hayay dilalkii sida gooni goonida ahaa loogu geystay duleedyada Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo loogu geystay dad u badnaa kuwa kasoo jeeday deegaanada Koonfur Galbeed

LEAVE A REPLY