Shir looga hadlayay maamul daadajinta iyo Adeeg Gaarsiinta haweenka jubbaland...

Shir looga hadlayay maamul daadajinta iyo Adeeg Gaarsiinta haweenka jubbaland oo kismaayo lagu Qabatay

112
0
SHARE

Qaar ka mid ah Haweenka ku dhaqan degmada Kismaayo ayaa iskugu yimaadey kulan looga hadlayay maamul daadajinta iyo adeeg gaarsiinta Haweenka Jubbaland.

Shirkaan oo socon doona muddo labo maalin ah ayaa waxaa soo qaban qaabisey Wasaaradda Arrimaha gudaha dowlad goboleedka Jubbaland.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Arrimaha gudaha Jubbaland Aadan Faarax Gaarane oo shirka daah furey ayaa sheegay in Wasaaraddu ay waddo dadaal ay ku dooneyso sidii deegaanada Jubbaland lagu gaarsiin lahaa fahanka dowladnimada iyo maamul wanaagga.

Fardowsa Maxamed Cali oo ah la taliyaha Wasaaradda Haweenka una dooda xuquuqda Haweenka iyo Dhalinyarada oo madasha ka hadashay ayaa Haweenka ku dhiira galisey in ay kaalin muuqata ka qaataan maamul daadajinta iyo dowlad wanaagga

LEAVE A REPLY