Jubbaland oo ka hadashey Khilaafka Siyaasadeed ee u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya

278

Madaxweyne ku–xigeenka dowlad gobolleedka Jubbaland Maxamuud Sayad Aadan ayaa ka warbixiyay mowqifka Jubbaland ee la xiriira khilaafka Diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay in ay cadeyso halka ay dhibtu ka jirto, madaama ayuu yiri Kenya tahay dal mudd 30 sano xiriir joogta ah la laheyd Soomaaliya.

‘’Dabcan waad ogtihiin 30kii sano ee ugu danbeeyay Annaga iyo Kenya waxaa naga dhaxeeyay iskaashi Amni, iyo xiriir wanaagsan, wixii kalifay in uu xiriirkaa xumaado waxaan rabnaa in ay dowladda Soomaaliyeed cadeyso, ‘’ ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan.

Wuxuu sheegay in dowladda Kenya ay martigalisay qaxootiga ugu badan ee Soomaaliyeed, islamarkaana ay jirto xudduud dheer oo kala dhaxeysa Soomaaliya, isaga oo intaa ku daray in sidoo kale Kenya tahay halkii lagu soo aas-aasay dowladdii ugu horeysay ee KMG aheyd oo muddo saddex sano ah la fadhiyay.

‘’Kenya waad la soctaan waxaa ku sugan Qaxootiga ugu badan ee Soomaaliyeed, xudduud dheer –beynu leenahay, dowladnimada maanta jirta waa halka lagu soo aas-aasay oo muddo saddex sano ah la fadhiyay, niyad wanaag ayeey intaa noo muujineysay iyo in ay Soomaaliya nala dhisto’’ ayuu yiri madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland.

Wuxuu sheegay in Jubbaland uu xiriir gaar ah kala dhaxeeyo oo kaliya hay’addaha Amniga quseeya ee Kenya oo aan siyaasada wax shaqo ah ku laheyn, sidaa daraadeed ayuu sheegay in Wasaarradda Arrimaha dibadda Soomaaliya looga dhafiyo in ay cadeyso halka ay wax ka qaldameen.

Mar wax laga weydiiyay sida ay u arkaan mas’uuliyiintii dhawaan laga soo celiyay magaalada Nairobi ee ka tirsanaa dowladd federaalka ayuu yiri’’ Runtii waa wax laga xumaado in mas’uuliyiin howl-Qaran u socday la soo celiyo, laakiin waa in laftirkeeda baaritaan lagu sameeyo sababta keentay in la soo celiyo iyo in ay iyagu qaladka lahaayeen’’ ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Labadii todobaad ee la soo dhaafay ayaa waxaa xoogeystay khilaafka diblumaasiyadeed ee u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo aan weli xal loo helin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here