Ardey ku guuleysatey Tartanka Qur’aanka kariim oo la abaalmariyay

Ardey ku guuleysatey Tartanka Qur’aanka kariim oo la abaalmariyay

156
0
SHARE

Munaasabad lagu abaal marinayay Ardey ku guuleysatey Tartanka Qur’aan akhriska bisha Ramadaan ayaa lagu qabtey magaalada Kismaayo gaar ahaan Masaajidka Cusmaan Binu Cafaan ee xaafadda Farjanno soonaha Aargo.

Munaasabadda ayaa waxaa kasoo qayb galay Wasiirka Garsoorka Cadaaladda,iyo  Arimaha Diinta Mudane Maxamed Yuusuf Cumar,Culumaa’udiinka magaalada Kismaayo,Waalidiinta dhalay Ardaydii Tartamaysay iyo Marti Sharaf kale.

Intaa ka dib waxaa la bilaabey bixinta Abaalmarinada Ardeyda ku guuleysatay Tartanka,waxaana Ardeygii ku guuleystay 30 Juz lagu abaalmariyay gaari noociisu yahay 3RZ halka ardeyda kaalinta labaad galay la siiyay gaari yar oo ah kuwa raaxada ah.

Sidoo kale waxaa jirey 4 Ardey oo kaalinta koobaad ka wada galay 15 Juz ee Qu’aanka Kariimka,waxaana guddiga garsoorka ka ahaa tartanka ay u garteen in la wada siiyo hal gaari oo nooca raaxada ah kaas oo loo wada qiimeyn doono.

Wasiirka Wasaaradda Garsoorka, Cadaaladda,iyo Arimaha Diinta Mudane Maxamed Yuusuf Cumar oo ugu danbeyntii Munaasabadda ka hadlay ayaa u hambalyeeyay Ardaydii guulaysatay,Waxa uuna amaanay sida loo soo agaasimey howshan

LEAVE A REPLY