Mahcadka tababarka Caafimaadka Jubbaland oo Soo gaba gabeeyay tababar Mudda 7 cisho...

Mahcadka tababarka Caafimaadka Jubbaland oo Soo gaba gabeeyay tababar Mudda 7 cisho socday

141
0
SHARE

Mahcadka tababaradaa caafimadka Jubbaland ayaa soo gaba-gabeeyey tababar socday muddo 7 cisho ah kaas oo lagu baranayey maareynta nafaqo darrada.

Tababarka waxaa ka faa’iideystay 17 Arday oo laga soo xulay Jaamacadaha degmada Kismayo, markii casharadu u dhamaadeen waxaa ardeyda la guddoonsiisay shahaadooyin.

Ardeda ayaa baratay sida looga hortago nafaqo darrada iyo sida loola tacaalo marka lala kulmo dad ay haysato nafaqo darro.

Maamulaha Mahcadka tababarada caafimadka Jubbaland Dr. Cabdirisaaq Maxamed Cabdi Gaax Nuug ayaa sheegay in Mahcadku uu u  furan yahay dhammaan ardeyda Jubbaland ayna diyaar u yihiin in ay bixiyaan tababarro kor loogu qaadayo aqoonta iyo wacyiga bulshada.

Mahcadka tababarka caafimaadka Jubbaland oo dhowaan laga furay magaalada Kismaayo ayaa bilaabay bixinta casharro waxtar u leh bulshada Jubbaland

LEAVE A REPLY