Wasaarada caafimaadka Dowlad Goboleedka jubbaland oo deeq dawo ah gaarsiisay dad barakacaayl

Wasaarada caafimaadka Dowlad Goboleedka jubbaland oo deeq dawo ah gaarsiisay dad barakacaayl

111
0
SHARE

Wasaaradda Caafimaadka dowlad goboleedka Jubbaland iyo Jaamacadda Kismaayo oo iskaashanaya ayaa olole Caafimaad ka bilaabey xaafadaha ay ka daganyihiin magaalada Kismaayo dadka barakacayaasha ah.

Xaafadaha sida gaarka ah looga fuliyay mashruucan ayaa waxaa ka mid aha xaafadaha Dalxiiska iyo Isku-Filan kuwaas oo ka kala tirsan xaafadaha Farjano iyo Faanoole,waxaana la geeyay daawooyin iyo talaal ay la socdeen talooyin iyo wacyi galin ku aadan ka hortagga cudurada.

Barnaamijkan ay wadaan Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland iyo Jaamacada Kismaayo ayaa looga golleeyahay sidii dadka barakacayaasha ah ay u heli lahaayeen adeeg caafimaad.

Dr Cabdinaasir Maxamed Cabdi oo ka mid aha Dhaakhaatiirta bixineysay adeega caafimaad ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan horumarinta adeegyada caafimaadka gaar ahaan dadka dan,yarta ah ee ku dhaqan deegaanada Jubbaland

LEAVE A REPLY