Xaaladda Caasimadda Liibiya oo laga deyrinayo

1140

Inta la’ogyahay 21 qof ayaa ku dhimatay kuwa kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaalkii Afartii maalmood ee lasoo dhaafay ka soocnayay qeybo ka mid ah caasimada Libya, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee dalkaasi.

Howlgalka Qaramada Midoobay ee Libya ayaa ku baaqay in labo saacadood oo xabad-joojin bani’aadanimo ah laga hirgeliyo caasimada Tripoli, ayaanan la dhageysan xili dagaalka u dhexeeyo dhinacyada hubeysan uu kasii soconayo nawaaxiga koonfureed ee caasimada.

Dagaalkaan ugu dambeeyay ee gacan ku heynta caasimada Libya ayaa u dhexeeyo ciidamo daacad u ah Gen Khalifa Xaftar oo isagu kasoo horjeedo xukuumada Tripoli, iyo kooxa kale ee sida caadiga ah u taageera xukuumadaasi.