Shir looga hadlayo Xasilinta deegaanada ay baneeyeen maleeshiyaad Alshabaab oo ka furmey Muqdisho

1050

Wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo qabanqaabisey kulan looga hadlayay xasilinta Goobaha lagala wareegay Kooxda Argagixisada Al-Shabaab

Kulanka oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa lagu lafa gurayay sida ugu haboon ee loo xasilin karo islamarkaana loo xaqiijin karo ammaanka goobaha lagala wareego Malleeshiyaadka Argagxisada Al shabaab gaar ahaan deegaanada ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose kuwaas oo ay dhawaan ciidamada xoogga dalka ay la wareegeen

Shirkaan waxaa ka qayb galay dhamaan Hay’adaha taageera Arrimaha amaanka iyo dowladaha saaxiibada la ah dowladda Federaalka Soomaaliya

“waxaan soo dhaweynayaa howlgalada ciidanka xooga dalka ay ka wadaan gobolka shabeelaha hoose kaas la doonayo in dib loogu xureeyo deegaanada ka maqan gacanta dowlada” ayuu yiri Wasiirka arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Mudane Cabdi Maxamed Sabriye

Deegaanada ay dhawaan la wareegeen ciidamada xoogga dalka ayaa waxaa horey uga jirey  dhibaatooyin fara badan kuwaas oo ay ku hayeen Maleeshiyaadka argagixisada Alshabaab,waxaana ay wasaaradu qorsheynaysaa sidii ay u dardar galin lahayd howlaha Samafalka dhismaha deegaanka iyo waxii la mid ah