Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo la kulmey Safiirka dalka Jarmalka ee Soomaaliya

966

Madaxweyne Ku-xigeenka dowlad goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kulan gaar ah oo ku saabsan arrimaha abaaraha la yeeshay wafdi ballaaran oo ay hogaaminayso safiirka dalka Jarmalka ee Soomaaliya Ambassador Annett Günther oo Garowe socdaal shaqo ku joogta.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Fadaraalka iyo Dimuquraadiyaynta Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa yiri “ Waxaa saakay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Wasiirka Deegaanka iyo anigoo ah wasiirka Arrimaha Gudaha aan la kulanay waftigii Dowladda Jarmalka ka joogay dowlad goboleedka Puntland oo ay hogaaminaysay safiirka dalka Jarmalka ee Soomaaliya Ambassador Annett Günther ”

“ Waftigan oo tan iyo shalay kulamo kula jiray Puntland waxaa saaka Madaxweyne Ku-xigeenka iyo wasaaraduhu kala hadleen Arrimaha Abaaraha Puntland ka jira iyo sidii wax looga qaban lahaa, sida aad la socotaan xaaladaas oo hada soo adkaanaysa Puntland ay samaysay dedaalo badan oo ay kamid tahay kutalagal dhinaca biyo dhaaminta ah iyo xiriir badan oo lala sameeyey Beesha Caalamka, maanta waxaan safiirada Jarmalka kala hadalnay siday qayb weyn uga qaadan lahaayeen arrimaha abaaraha kulankaasna waxaa uu ku soo dhammaaday guul ” Ayuu yiri Wasiirku