Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland oo ka warbixisey Howlo caafimaad oo ay ka waddo Degaano ka tirsan Gobolka Gedo

1127

Caafimaadku waxa uu ka mid yahay waxyaabaha aas-aasiga u ah nolosha aadanaha,waana muhiim in cafimaadku uu ahaado mid dhowrsan si loo ilaaliyo caafimaadka Bulshada,waana Mas’uuliyad saaran qof walba gaar ahaan Wasaaradda Caafimaadka.

Wasaaradda Cafimaadka Jubbaland oo ah mida maanka ku haysa faya dhowrka iyo caafimaadka Bulshada ayaa maanta ka warbixisay howlo Caafimaad oo maalmihii danbe laga wadey degmooyinka gobalka Gedo.

kormeerka shaqo oo uu horkacaayay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland Dr Cali Nuur Axmed  ayaa uga warbixiyay warbaahinta dowlad goboleedka Jubbaland wax qabadka Wasaaradda  iyo howlaha Caafimaad ee ka soconaya guud ahaan deegaanada Jubbaland.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa ka mid ah Wasaaradaha muhiimka u ah dowladda iyo shacabkaba maadama ay ka shaqeyso ilaalinta caafimaadka bulshada.

Wasaaradda caafimadka ayaa kordhisay kormeerada iyo u kuurgalka xarumaha caafimaadka Jubbaland si ay wax badan uga ogaato baahiyaha caafimaad ee bulshada.