Olole nadaafadeed oo ka bilowdey degmada Luuq ee Gobolka Gedo

302

Maamulka Degmada Luuq iyo bulshada ku dhaqan degmada ayaa maanta si wada jir uga qayb qaatay Olalaha Nadaafadda ee ka bilowdey qayba ka mid ah degmada Luuq.

Barnaamijkan oo ahaa mid is xilqaan ah ayaa waxaa laga fuliyay qeyba badan oo kamid ah Degmada Luuq si loo soo celiyo Bilicda magalada.

Mas`uuliyiin ka tirsan maamulka degmada oo uu horkacayo guddoomiyaha degmada ayaa ka qayb qaatay Ololaha looga  nadiifinayo qashinka degmada,waxaana qeyb ka ahaa Ururka haweenka degmada.

Guddoomiyaha degmada ayaa ugu baaqay bulshada in ay ka shaqeeyaan nadaafada Deegaanka iyo soo celinta bilicda magaalada