Dowladda Soomaaliya oo ka Hadshay Go.aankii ka soo baxay Shirkii Midowga Afrika

Dowladda Soomaaliya oo ka Hadshay Go.aankii ka soo baxay Shirkii Midowga Afrika

113
0
SHARE

Dowladda
Federaalak Soomaaliya ayaa soo dhaweysay go’aankii ka soo baxay Midowga
Afrika,kaasi oo ay ku taageerayaan shacabka iyo dowladda Soomaaliya,dadaalada
loogu jiro in deymaha looga cafiyo dalka,taasi oo muhiimad gaar ah u leh
nabadda iyo horumarka Soomaaliya,maadaama ay hortaagantahay arrintaasi
taageeradii hay’adaha caalamiga ee dhaqaalaha adduunka.

Dowladda Soomaaliya waxaa ku howlantahay oo ay ka
shaqeynaysaa dadaalada horumarinta iyo dib u habeynta hanaanka maamul
maaliyadeed ee dalka,si loogu guuleysto qorshaah deyn cafiska ee Soomaaliya,si
loo helo horumar waara,go’aanka Midowga Afrika waxaa uu iftiiminayaa xiriirka
iskaashi iyo taageerada ka dhexeysa Afrika

Qoraal ka soo baxay wasaarada arimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee
xukuumadda soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowlada soomaaliya ay
xushmeeneyso  in midowga Africa ay
muhiimad siinayaan dowrka soomaaliya ee midowga iyo wax wada qabsiga iyo taageerida  ay soomaaliya 
u muujiyeen  ka xubin ahaan

LEAVE A REPLY