Soomaaliya Oo Ka Qeyb Gashay Shir Looga Hadlayay Nadiifinta Minooyinka Dhulka

Soomaaliya Oo Ka Qeyb Gashay Shir Looga Hadlayay Nadiifinta Minooyinka Dhulka

132
0
SHARE

Shirkaan
 oo ka dhacay magaalada Geneva ee dalka
Switzerland ayaa wafdiga Dowladda Federaalka uga qeyb galay waxaa hoggaaminayay
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Xildhibaan Cabdinaasir Siciid
Muuse,waxaa kale oo shirka ku wehlinayay Amb: Faadumo Insaaniya oo iyada kaalin
muhiima ah ka qaadatay shirkaas una gudbisay Hay”daha ka shaqeeya arrimaha
miina baarka ee jooga UNka iney sida dhow  ula socon doonto howlaha Miina
Baarka Soomaaliya.

Shirkaas oo
ahaa labo waji ayaa wajiga hore waxaa ka hadlay Wasiir ku- xigeenka Amniga
Gudaha,wuxuuna sheegay iney jiraan qorshaha howleed lagu  xoojinayo
caawinaada dadka ku waxyeeloobay Qaraxyada Miinooyinka iyo qataraha ka dhasha
dadkaas oo u badan dumar iyo carruur

Dowlada Federalka Soomaaliya iyo Ha”yada u qaabilsan Minooyin
Qaramada Midoobay (UNMAS) ayaa isla gartay iney ka go”an tahay dhammeystirka
iyo ka nadiifinta Minooyinka dhammaan dhulka Soomaaliya. Wajiga labaad ee shirka
ayaa diirada lagu saaray arimaha bani”aadanimada iyo sidii ahmid gaar ah loo
siin lahaa nolosha dadka ku waxyeeloobay dhibaatooyonka miinooyinka iyo
deegaanadooda oo ay qeyb ka yihiin Dhalinyarada iyo Haweenka.

Agaasimaha
Hay”adda SEMA Xooshow iyo Sahro Cabdi oo ku hadleysay magaca Dhalinyarada ayaa
warbixino muhiim ah ka soo jeediyay shirka qeybtiisa labaad,waxayna sheegeen
muhiimada in si dhow loola socdo goobaha Qaraxyada miinooyinka lagu tuhusan
yahay si aysan saameyn uga soo gaarin dadka rayidka ah.

Shirkaas kadib
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Cabdinaasir Siciid Muuse ayaa
booqday Safaaradda Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya ee magaalada Geneva dalka
Switzerland, halkaas oo ay si diiran ugu soo dhaweeysay Safiirada Amb. Faadumo
insaaniya , sidoo  kale Wasiir ku-xigeenka wuxuu la kulmay qaar kamida
Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool Wadanka Switzerland,isagoona kula dardaarmay
muhiimada midnimada iyo wadajirka ay leedahay iyo inay ka qeyb qataan dib u
dhiska dalka

LEAVE A REPLY