Taliska CXDS oo Markale ku dhawaaqay howlgal ka dhan ah Maleeshiyaadka Alshabaab

1100

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Generaal Daahir Aadan Cilmi Indhoqarshe ayaa ku dhawaaqay howlgal Ballaaran oo dhawaan ka bilaaban doona guud ahaan Soomaaliya.

Taliyaha ayaa sheegay in u jeedada ugu weyn ee howlgalkaan ay tahay in ay gacanta ku dhiggaan degmooyinka ay Maamulaan Maleeshiyaadka Al-Shabaab ee Gobolada Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in ay  isku  furi doonaan wadooyinka ay go’doomiyeen Al-Shabaab, islamarkaana uu qorshuhu yahay in dhammaan Maleeshiyaad  Al-Shabaab laga saaro gobolada dalka.