Madaxwenaha Dowlad Goboleedka jubbaland oo ka hadlay Habka loo Xoojin karo...

Madaxwenaha Dowlad Goboleedka jubbaland oo ka hadlay Habka loo Xoojin karo wadashaqeenta Dowlada dhexe iyo Dowlad Goboleedyada

164
0
SHARE

Madaxwenaha Dowlad Goboleedka jubbaland mudane axmed maxamed islaam oo
xalay khudbad taarikhi ah ka jeediyay xafladii Madaxwenaha puntalnd iyo ku
xigeenkiisa oo lagu qabatay caasimada Puntalnd ee garoowe

Ayaa waxaa  xafladaa ka qeeb galay
madaxwenaha soomaaliya mudane maxamed abdulahi maxamed farmaajo iyo xubno kale
oo ka socday dowlada faderaalka

Waxaana  sidoo kale ka qeeb galay
masuulyiin hore xilal ugu soo qabaty dalka 
iyo madax ka socotay Dowlad Goboleedkayada dalka   

Madaxwenaha dowlad goboleedka jubbaland mudane axmed maxamed islaam oo
ka mid masuulyiintii khubad ka jeediyay xaflada ayaa waxaa uu ka hadlay  qodobo dhoor ah oo ka  mid tahay 
wadashaqeenta  dowlada dhexe iyo
Dowlad Goboleedyada  Soomaaliya

Madaxwenaha oo mar ka hadlayay 
sharciyada dowlada dhexe ay ku maamuli karto dalka iyo shaqada ay
leeyihiin dowlad goboleedyada Ayuu ku sheegay in maamul walbo uu leeyahay
sharci iyo kala dambeen Loona baahan yahay in dowlada federaalka ay ixtiraam
siiso madaxda dowlad goboleedyada dalka iyagoo madaxada Dowlada faderaalka iyo
Dowlad goboleedyada  u soo jeediyay in ay
iscafiyaan

Madaxweenaha dowlad goboleedka jubbaland mudane axmed Maxamed
islaam  ayaa ugu dambeentii hambalyo iyo
bogaadin u jeediyay madaxwenaha iyo madaxwene ku xigeenka puntaland

madaxwenaha
cusub ee puntaland saciid abdulahi deni iyo
ku xigeenkiisa   Axmed Karaash Cilmi
Cismaan (Karaash) oo xalay la soo gaba gabeyay xafladuuda caleemasaarka ayaa
sheegay in shacabka puntaland ay heli doonaan 
amni iyo xasilooni buuxda

LEAVE A REPLY