Qofkii fariinta qoraalka ah u soo diray virgil oo la ogaaday...

Qofkii fariinta qoraalka ah u soo diray virgil oo la ogaaday yuusa noqon Karaa

267
0
SHARE

Difaaca Liverpool ee Virgil van Dijk ayaa
daboolka ka qaaday in ka hor inta aanay bilaabanin ciyaar kasta oo kooxdiisu
leedahay ay kusoo dhacdo farriin telefoon oo farxad gelisa, taas oo uu ka helo
mid ka mid ah halyeeyadii Reds.

27 jirkan reer Netherlands oo Liverpool ay January 2017 lacag
dhan £75 milyan kaga soo iibsatay Southampton ayaa noqday halyeyga khadka
dambe ee difaaca ee xalliyey dhibaatadii Klopp ka haysan jirtay ilaalinta
shabaqa, waxaanu muddo kooban ku kasbaday quluubta jamaahiirta iyo halyeeyadii
hore ee kooxda soo maray, kuwaas oo mid ka mid ah uu mar walba dhiirigelin la
garab taagan yahay.

Van Dijk waxa uu tibaaxay in tan iyo bilowgii horyaalka ee xili
ciyaareedkan uu farriin ka helayeygii Liverpool ee Kenny Dalgish.

“Kenny Dalgish waxa uu isiiyey lambarka telefoonkiisa bilowgii
hore, waxaanu ii sheegay inuu isoo wici doona mar walba. Waxa aan rumaysan kari
waayaa in uu mararka qaarkood farriin qoraal ah ii soo diro ciyaaraha ka hor,
laakiin sida Liverpool tahay ayaaba sidaas ah.” Sidaas waxa yidhi Virgil van
Dijk oo ka sheekaynayey farriinta cajiibka ah ee uu helo ka hor ciyaar kasta.

“Sida kooxaha kaleba, Liverpool waxay leedahay sanduuq qarsoodi ah
oo farriimaha loogu ururiyo ciyaartoyga. Anigu waxaan leeyahay sanduuq u gaar
ah qoyskayga oo halkan yaalla. Si aad u tagto (farriintaad ugu rido), waa inaad
u lugeyso oo aad raacdo tilmaamaha ku geynaya.” Ayuu ku daray.

 Liverpool ayaa xili
ciyaareedkan waxay horyaalka ku hoggaaminaysaa afar dhibcood oo ay ka sarrayso
Manchester City oo kusoo xigta, xilli la ciyaaray kulamadii 23aad, waxaanay ku
hamiyeysaa inay ku guuleysato Premier League oo ay ugu dambaysay sannadkii
1990-kii

LEAVE A REPLY