Chelsea ayaa baadi goobeysa weeraryahan wanaagsan oo ka saari kara...

Chelsea ayaa baadi goobeysa weeraryahan wanaagsan oo ka saari kara culeysaka xiligaan haysta

224
0
SHARE

Chelsea ayaa suuqa ugu jirta weeraryahan
wanaagsan oo ka saara mashaakilka ka haysta afka hore ee ka dhigay koox aan
lahayn ilko ay ku qaniinto kooxaha, isla markaana ku qasbanaatay inay afkeeda
hore dhigto Eden Hazard oo aan ahayn dhaliye.

Alvaro Morata oo ay lacag badan kaga soo iibsatay Real Madrid xili
ciyaareedkii hore iyo Olivier Giroud ayaa labaduba yeelan waayey karti ay kula
qabsadaan qaab ciyaareedka Blues, waxaanay ugu dambayn ku biireen liiska
ciyaaryahannada fashilmay ee afka hore ee weerarka amaba lambarka 9 uga
ciyaaray kooxda reer London.

Morata ayaa la warinayaa inuu ku biirayo kooxda Atletico Madrid
iyadoo idaacadda COPE ee dalka Spain ay sheegtay in waqti horeba laga heshiiyey
lacagta ay Chelsea iyo Atletico ku kala qaadanayaan weeraryahanka reer Spain,
taas oo uu sii xoojiyey wargeyska Sport.

Gonzalo Higuain ayaa kusoo baxay liiska ciyaartoyga koowaad ee
bartilmaameedka u ah Chelsea, waxaanay la filayaa in maalmaha soo socda uu soo
gaadho Stamford Bridge oo uu diyaar u noqdo kulamada usbuuca dambe inuu
ciyaaro.

Tallaabadan oo caddaynaysa in haddaba ay Chelsea heshay
weeraryahan karti badan oo aanay da’diisa weynaatay waxba u dhimin
qaab-ciyaareedkiisa, ayaa waxay rajaynaysaa inuu raaco dariiqii Didier Drogba
oo ah laacibkii ugu fiicnaa ee ay ugu jeclaayeen Jamaahiirta Blues ee soo maray
intii uu mulkiyadda kooxda lahaa Roman Abromavic amaba haddii aynu si kale u
nidhaahdno taariikhda casriga ah ee guuluhu qurxiyeen ee kooxda reer London.

Didier Drogba oo kaliya ma noqonayo laacibka lagu qiimayn doono
Higuain ee qaab ciyaareedkiisa la barbar-dhigi doono laakiin waa laga
hoosaysiin doonaa, sababtoo ah, halyeyga reer Ivory Coast way yar tahay
laacibiinta kartidiisa oo kale leh ee da’da Higuain ku jirta, waxaase la
barbar-dhigi doonaa Diego Costa oo isaguna qaab cajiib ah u hoggaamiyey Blues
ka hor intii aanay isku dhicin Antonio Conte ee aanu kooxda ka eryin, ugu
dambayna ka degin Atletico Madrid.

Haddaba, waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa liiska ciyaartooyo
magac weyn leh oo labaatankii sannadood ee ugu dambeeyey ay Chelsea soo
iibsatay, kuwaas oo dhamaantood ahaa dhaliyeyaal laakiin ku fashilmay inay la
qabsadaan qaab-ciyaareedka kooxda, ugu dambayna ku tegay weji gabax iyagoo
kaydka galay.

9. Hernan Crespo: AC Milan ayay Chelsea kasoo iibsatay, waxaana uu
u saftay 73 kulan oo uu u dhaliyey 25 gool, ka hor intii aanu qaab amaah ah dib
ugu laabanin Milan.

8. Andriy Shevchenko: AC Milan ayey Chelsea kasoo qaadatay, 77
kulan oo uu saftayna waxa uu ku dhaliyey 25 gool, hase yeeshee waxa uu noqday
mid ku fashilmay inuu la qabsado horyaalka Premier League, ugu dambayna waxa
sidii Crespo oo kale uu ku laabtay Milan oo uu amaah ugu tegay ka hor intii
aanu usii dhaafin Dinamo Kiev oo ahayd kooxdii uu xirfaddiisa kasoo bilaabay oo
dhisan waddanka Ukraine.

7. Olivier Giroud: January 2018, ayuu ka yimid Arsenal, waxaanu
soo dhex istaagay Stamford Bridge, laakiin illaa hadda waxa uu ciyaaray 43
kulan, waxaanu dhaliyey 10 gool, umana muuqdo mid kasoo baxaya wixii laga filayey.

6. Loic Remy: 47 kulan oo uu ku dhaliyey 12 gool kaddib, waxa uu
weeraryahanka reer France shandaddiisa ka qaatay Stamford Bridge.

5. Fernando Torres: Xiddigii ugu qaalisanaa horyaalka Ingiriiska
ee laba kooxood oo Premier League ah la kala wareegaan ayuu noqday, waxaanay
Chelsea lacag ku dardartay Liverpool si ay uga soo qaadato weeraryahankan reer
Spain, laakiin 172 kulan oo uu saftay waxa uu ku dhaliyey 45 gool oo kaliya,
waxaana u dheeraa inuu waqtigiisa ku qaatay isagoo iska dhex taagan garoonka oo
aan saamayn badan lahayn, ugu dambayna waxa laga furay albaabka si uu u baxo.

4. Mateja Kezman: Waxa la barbar-dhigi jiray halyeygii reer
Netherlands ee Ruud van Nistelrooy, laakiin markii uu Chelsea yimid 41 kulan oo
uu ciyaaray ayaa uu ku dhaliyey toddoba gool oo kaliya, kaddibna waxa uu
xirfaddiisa ula guuray Atletico Madrid, Fenerbahce iyo PSG.

3. Alexandre Pato: Xili ciyaareedkii 2015/16 ayaa ay Chelsea si
lama filaan ah ugu dhawaaqday heshiis amaah ah oo ay kooxda Coranthians kagala
soo wareegtay laacibka reer Brazil ee Alexandre Pato laakiin 2 kulan oo kaliya
oo Premier League ah ayaa uu ciyaaray, waxaanu dhaliyey hal gool, waxaanu
goolkaasi ahaa rikoodhe uu ka dhaliyey Aston Villa, kaddibna waxa uu
shandaddiisa ka qaatay bilo dhaawac ah kaddib.

2. Claudio Pizarro: Halyeygan ku suntan taariikhda Bayern Munich
ayey Chelsea ku dhawaaqday heshiiskiisa, 32 kulan oo uu u saftayna waxa uu
dhaliyey 2 gool oo kaliya.

1. Radamel Falcao: Isaga oo kusoo fashilmay Manchester United ayaa
ay haddana Chelsea gacanta ku dhigtay, waxaana uu u saftay 12 kulan oo uu u
dhaliyey 1 gool, kaddibna waxa uu ku laabtay Monaco oo marka horeba uu amaah
kaga yimid.

LEAVE A REPLY