Fafaahin dheeraad ah oo ka soo baxaya weerarkii degaanka baarsanguuni ee gobolka jubada hoose

357

Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa ka hortagtay weerar ay kusoo qaadeen Malleeshiyaadka Al-shabaab saldhiga ciidamada Jubbaland iyo kuwa SNA ay ku leeyihiin deegaanka Baarsanguuni

Weerarkaan oo saaka galinkii hore  ay soo
abaabuleen Malleshiyaadku  ayaa waxa ka hortagay isla markaana
fashiliyey ciidamada dowlad gobaleedka Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka.

Malleeshiyaadka ayaa isku dayey inay xarunta kusoo galaan
qaraxyo balse ciidamada oo ka war qabay weerarkaan isla markaana heegan ugu
jirey sidii ay u fashilin lahayeen ayaa qarxiyey mid kamid ah gawaaaridii ay
ugu talagaleen inay xerada ku galaan.

Cidamadu waxaa ay sidoo kale gacanta ku dhigeen gaari ay kasoo buuxiyen Malleeshiyaadka Alshabaab walxaha qarxa kaas oo ay Nabadiidku ugu

talagaleen inay ku burburiyaan buundada baarsanguuni oo dhawaan dowlad goboleedka Jubbaland ay dhistay burburkiii dalka kadib.

Waxaa hadda socda howlgalo lagu xaqiijinayo ammaanka iyadoo
sido kale ciidamadu ay ku daba jiraan firxadka Malleeshiyaadkii weerarka soo
qaaday kuwaas oo rabay inay dhibaato u geystaan shacabka Soomaliyeed ee ku
dhaqan deegaanada waqooyi ee magaalada Kismaayo.

Sarreeye guuto Aadan Goojaar Taliyaha Ciidanka Daraawiishta
Jubbaland ayaa noo xaqiijiyey khasaaraha la gaarsiiyey Malleeshiyaadka
Al-shabaab.

Taliyaha ayaa sheegay in 52 kamid ah Malleeshiyaadka Al-shabaab lagu diley weerar dhanka cirka ah.

Taliyaha ayaa intaa ku daray in 25 kalana lagu diley
dagaalkii saakay ay kusoo qaadeen furumaha hore ee ciidamada dowlad gobaleedka
Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka ay ku leeyihiin Baar sanguuni.

Tirada guud ee dhimashada Argagixisada ayaa noqoneysa
77  waana khasaarihii ugu darnaa ee la gaarsiiyo
Al-shabaab Muddooyin ka dib