Banaanbaxyo Maanta dib ugu bilaawday Baydhabo

Banaanbaxyo Maanta dib ugu bilaawday Baydhabo

145
0
SHARE

Wararka aan ka heleyno Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa sheegaya in maanta marke ay banaanbaxyo xoogan dib uga bilaawdeyn qeybo kamid ah Magaaladaasi.

Wariyaasha ku suagan magaalada Baydhabo ayaaku soo waramaya in diabad baxayaal careysan  ay soo buux dhaafiyeen qaar ka mid ah wadooyinka magaalada, waxaana xusid mudan in saakay aroortii uu Baydhabo waaga ugu baryay jawi ka degan midkii maalmahaan balse banaanbaxayadaani ay barqanimadii bilaawdeyn.

Banaanbaxayaashaani ayaa ka careysan soo xiritaankii Mukhtaar Rooboow, oo ay dowladda dhexe ee Soomaaliya sheegtay in ay iyadu soo xiratay.

Ilaamaa markii lasoo xiray Rooboow oo iminka Muqdisho Maxbuus ku ah ayaa waxaa Baydhabo gilgilay banaanbaxayaal rabshado wato, waxaana ku geeriyooday dad badan oo uu xildhibaan Koonfur Galbeed kamid ahaa.

LEAVE A REPLY