Ciidanka Dowlad Goboleedka Jubbaland oo hawlgallo ka wada Gobolka Jubadda Hoose

Ciidanka Dowlad Goboleedka Jubbaland oo hawlgallo ka wada Gobolka Jubadda Hoose

259
0
SHARE

Deeganada kaabiga ku haya degmadda Jammaame ee Gobolka Jubbada Hoose 24-kii saac ee aan ka soo gudubnay waxaa ka socday hawlgallo balaaran oo lagu baacsanayo maleeshiyadda argagixisadda Al-Shabaab.

Goobaha ay hawlgalada ka socdaan waxaa kamid ah dhulka jiinka wabiga ee deeganada kala ah Araare, Muuse Xaaji, Bangeeni iyo Koban oo fariisimo u ahayd Al-Shabaab kol hore hase ahaatee ay ciidanka si awood ah ugala wareegeen.

Degmadda Jammaame oo deeganada u jirta masaafo ku siman 8KM ayaa waxaa laga soo sheegayaa in halkaa ay Al-Shabaab ku haysato xaalad cabsi ah.

Diyaaraddo dagaal ayaa dul heehaabaya deeganada kuwaa oo la socda dhaq-dhaqaaqa gaadiidka kooxda Al-Shabaab.

Saraakiisha ciidanka waxaa ay sheegen in iska hor imaad kooban oo ka dhacay meel u dhow Jamaamme ay ku dileen laba kamid ah kooxda argagixisadda Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY