Kulan looga hadlayay dib u eegista dastuurka Soomaaliya oo lagu qabtay...

Kulan looga hadlayay dib u eegista dastuurka Soomaaliya oo lagu qabtay magaalada kismaayo

137
0
SHARE

Wasiirka Wasaaradda  Dastuurka Jubbaland Cumar Maxamed Cabdi  ayaa maanta shir guddoominayay kulan looga hadlayay dardar gelinta arrimaha dib u eegista Dastuurka Dalka si Bulshada Somaaaliyeed ay uga qayb qaataan Ra,yigooda ku aadan Dhismaha dastuur loo dhan yahay oo uu dalku yeesho.

Kulankaan oo ka dhacay hotel Qiilma waaye ee magaalada Kismaayo ayaa waxaa goob joog ka ahaa Xildhibaano,Odayaasha Dhaqanka iyo Bulshada qaybheeda kala duwan.

Ajandaha kulankaan ayaa ahaa sida ugu wanaagsan ee looga mara dhalin karo dib uu egsita qabyo qoraalka dastuurka.

Qaar ka mid ah dadkii kulanka ka hadlay ayaa sheegay Muhiimadda ay leedahay in la helo Dastuur dhameystiran oo uu Dalku yeesho si bulshada Soomaaliyeed ay aftidooda uga dhiibtaan dastuurka.

 

.

 

 

LEAVE A REPLY