Isbitaal cusub oo laga hergeliyay Xaafada Midnimo ee Magaalada Kismaayo

1135

Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland oo kaa-shaneeyso hey’adda GIZ ayaa xaafada midnimo ka hirgiliyey  isbitaal wayn  kaa oo loogu talagalay in lagu daweeyo dadka bukaanada ah ee ku nool xaafada midnimo.

Waxaa maanta daahfuray isbitaalka wasiirka wasaardda qorsheeynta iyo xiriirka caalimiga ee jubbaland ,iyadoona xaflada daah furka ay goob joog ka ahaayeen gudoomiyaha gobolka jubbada hoose ,xubno ka socday hey’adda fulineysay mashruuca ee GIZ iyo xubno kale oo ka Tirsan wasaaradda Cafimaadka Jubbaland.

Aadan aw xirsi wasiirka wasaaradda qorsheenta iyo xiriirka caalamiga oo daah furay isbitaalka ayaa sheegay in uu ka koobanyahay isbitaalka 20 qol uuna yahay isbitaal wayn oo waxbadan ka Qaban donna Dhinaca Baahiyaha Cafimaadka.