Dhageyso: Gudiga dhulka Jubbaland oo muddo kordhin u sameeyay dadka aan weli sharciyeysan dhulalka

1042

Kulan ay maanta isugu yimaadeen guddiga maamulka iyo maareeyanta  dhulalka jubbaland ayaa  wakhti kordhin u sameeyay shacabka si ay u sharciyeeysataan dhulalka aan sharciga ahayn iyo kuwa heysta sharcigii hore.

Wakhti kordhintaan ayaa waxaa ay ku egtahay dhammaadka sanadkaan 2018.

Guddiga mamaulka iyo maareynta dhulka jubbaland ayaa sheegay cidii sharciyeysan dhulalkooda in la ganaaxi dooo lagana jari doono adeegyada bulshada sida biyaha,korontada iyo internetka.

Dhanka kale waxaa ay sheegeen shacabka degan xarumihii dowladda in loo sharciyeen doona.

Lataliyaha wasaaradda warfaafinta jubbaland ahna xubin ka tirsan guddiga maamulka iyo maareeyanta Dhulka jubbaland Xasan cabdulaahi cumar karataay ayaa aqriyay bayaankii maanta ay soo saareen guddiga dhulka jubabland.

Halkaan Hoose Ka Dhageyso Codka Lataliyaha wasaaradda warfaafinta jubbaland ahna xubin ka tirsan guddiga maamulka iyo maareeyanta Dhulka jubbaland Mudane Xasan cabdulaahi cumar karataay