Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland oo Amar Ka Soo Saarey Hubka Sharci...

Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland oo Amar Ka Soo Saarey Hubka Sharci Darada ah

194
0
SHARE

Wasiirka wasaaradda amniga Jubbaland Mudane Cabdirashiid Xasan Cabdinuur ayaa goor dhow qabtay shir jara’id waxaa uu kaga hadlay arrimo dhawr ah oo ay ugu horeyso in ay wasaaradda amniga soo rogtay amaro hor leh oo lagu mamnuucayo hubka sharci darada ah ee magaalada Kismaayo lagu dhex wato.

Waxaa uu wasiirka faray ciidanka kuwa aan shaqada ku jirin in ay ku xaadiraan xeryahooda, sidoo kale ilaalada madaxda Jubbaland ayuu sheegay in aysan hub magaalada ku dhex wadan karin iyagoo aan wax shaqo ah ku jirin.

Ciidan isku dhaf ah oo ka kala socda hay’addaha amniga Jubbaland Sida Boliiska Nabad Sugida iyo Daraawiishta ayaa loo qorsheyay in ay magalaada ka fuliyaan hawgalka lagu xaqiijinayo ammaanka magaalada guud ahaan.

 

LEAVE A REPLY