Dhageyso: Taliyaha Ciidamada Booliska Jubaland Qeybta Gobolka Jubada Hoose Oo Ka Hadlay...

Dhageyso: Taliyaha Ciidamada Booliska Jubaland Qeybta Gobolka Jubada Hoose Oo Ka Hadlay Howlgal Rag lagu Soo Qabqabtay Oo Laga Sameeyay Magalada Kismaayo

223
0
SHARE

Ciidan cusub oo loogu tala galay xasilinta caasimadda KMG Jubbaland ayaa maanta sameeyay hawlgalkoodii ugu horeeyay.

Sida saraakiisha ciidanka Jubbaland ay shegeen 11 askari oo kamid ahaa ciidanka Jubbalan kuwaa oo sameeyay amar diido saakayna dilay Nabadoon ayeey ciidanka weerar ku qaadeen.

Hawlgal socday in ku dhow halsaac kaddib waxaa gacanta lagu soo dhigay 11 nin iyo hubkoodii ayadoo aysan dhicin wax dhimasho iyo dhaawac ah.

Maxamed Naasir Guuleed oo ah taliyaha ciidanka booliska qeybta gobolka Jubbada Hoose ayaa la hadlay Warbaahinta Dowlad Goboleedka Jubaland isagoo sheegay in hawlgalka uu sii socon doono ilaa laga waayo qori sharci darro ah oo magaalada lagu dhex sito.

Halkaan Hoose Ka Dhafeyso Codka Taliyaha ciidanka booliska qeybta gobolka Jubbada Hoose

LEAVE A REPLY