Qaar ka mid ah wadooyinka Muqdisho oo saaka xeran

Qaar ka mid ah wadooyinka Muqdisho oo saaka xeran

141
0
SHARE

Wadooyinka qaar ee magaalada Muqdisho ayaa saaka xiran, iyadoo gaadiidka ay saaran yihiin dadka shacabka ah aysan isaga kala gudbi karin isgoysyada magaalada gudaheeda qaarkood.

Isgoyska Banaadir, Zoobe, Taleex, KM4, Shaqaalaha iyo kuwa kale ayaa xiran, ciidanka dowladda ayaana ku sugan, sida ay inoo sheegeen dad goobjoogayaal ah

Gaadiidka rayidka ayaa loo diidayaa dhamaan isgoysyadan inay isaga kala gudbaan, kaliya waxaa loo ogol yahay kuwa ay wataan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

Warar hoose oo aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan sababta wadooyinka loo xiray inay tahay in magaalada Muqdisho ay ku soo wajahan yihiin wafdi ka socda Midowga Afrika, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah

LEAVE A REPLY