Askartan ayaa dhameysatay tabababarro soconayay ku dhawaad hal sano ah oo lagu barayay la dagaalanka kooxaha nabad diidka, isticmaalka hubka daran-dooriga u dhaca ee saaran gaadiidka dagaalka, iyo weliba burburinta difaacyada cadawga.
Ciidamada ayaa sameeyay dhoolatus ay ku muujinayeen waxyaalihii la baray, ayadoo saraakiishii tababarka siisay ay sheegeen in askartani u diyaarsanyihiin la dagaalanka cadawga.
Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa dadaal ugu jirta dhismaha ciidamada si maleeyshiyaadka nabaddiidka ah looga xoreeyo dhulka ay uga suganyihiin Jubbaland.