Hordhacyo: Liverpool Vs Man City, Fulham Vs Arsenal, Southampton Vs Chelsea ...

Hordhacyo: Liverpool Vs Man City, Fulham Vs Arsenal, Southampton Vs Chelsea oo lasoo bandhigay Kooxuhu Lasoo Shir-Tegi Doonaan

378
0
SHARE

Kulanka ugu weyn toddobaadkan ee horyaalka Premier League ayaa waxa maanta ku ballansan labada kooxood ee Liverpool iyo Manchester City oo albaabada iskugu xidhan doona garoonka Anfield.

Kulankii iskugu dambeeyey labada kooxood eek u dhex mara garoonkan, waxa uu ka tirsanaa horyaalka qaaradda Yurub ee Champions League, waxaana uu sabab u noqday in Reds ay si fudud ugu gudbto wareegga semi finalka, hase yeeshee fool xumo ka dhacday ayaa waxay ahayd markii bas ay saarnaayeen ciyaartooyada City ay weerareen taageereyaasha Liverpool.

Arrinta ugu weyn ee isha lagu hayo ayaa ah inay mar labaad soo laaban karto dhacdadaasi, balse sida wararku sheegayaan baska sida ciyaartooyada City ayaa soo mari doona waddo ka duwan tii hore ee lagu weeraray.

Liverpool ayaa si cajiib ah ugaga awood badann Manchester City marka ay iskaga hor yimaaddaan garoonka Anfield, 17 jeer oo ay kulmeena waxay badisay 12, waxaanay barbar dhac galeen shanta kale, taasina waxay muujinaysaa habaarka City ka haysta garoonkaas.

Wararkii ugu dambeeyey ee labada kooxood iyo shaxda suurtogalka ah

Liverpool waxa ka dhaawacan laacibka khadka dhexe ee Naby Keita oo ciyaartii Champions League ee Napoli dhabarka wax ka noqday, hase yeeshee waxa isaguna dhaawac fudud qaba Henderson oo ay suurtogal tahay inuu kaydka ku biloqdo qaybta hore.

Dhinaca Man City ma jiraan dhaawacyo kala dhantaali kara shaxda ugu wanaagsan ee Pep Guardiola, waxaana uu dib u helay xiddigiisa ugu muhiimsan ee De Bruyne.

Shaxda labada kooxood ku ciyaari karayaan:

Ee Liverpool (4-3-3): Alisson; Alexander-Arnold, Van Dijk, Gomez, Robertson; Milner, Wijnaldum, Henderson; Salah, Firmino, Mane.

Man City (4-3-3): Ederson; Walker, Otamendi, Laporte, Zinchenko; D. Silva, Fernandinho, B. Silva; Sterling, Aguero, Sane.

 

LEAVE A REPLY