Qaramada Midoobay oo shaaciyay tirada shaqaalaha looga dilay Soomaaliya

Qaramada Midoobay oo shaaciyay tirada shaqaalaha looga dilay Soomaaliya

145
0
SHARE

Warbixin ay soo saartay hay’adda Qaramad aMidoobay ayaa ku sheegtay in Soomaaliya looga dilay ilaa 8 shaqaale ah, 12 kalena lagu dhaawacay tan iyo bilowgii sanadkan.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in laga soo bilaabayo Bisha Janaayo ee sanadkan ilaa September 2018 tirada shaqaalaha Qaramada Midoobay ee lagu dilay Soomaaliya in ay gaartay ilaa 8, halka 12 shaqaale ahna la dhaawacay, sidoo kale waxa ay sheegeen in 18 shaqaale la afduubtay halka 13 kalena muddo kooban xabsiga la dhigay.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in ilaa 90 dhacdo oo ka dhan ah shaqaalaha samafalka ay Soomaaliya ka dhaceen sanadkan gudihiisa.

Hay’adda ayaa sheegtay in tirada ugu badan ee shaqaalaha la dilay ay ku dhinteen weerarrada Al-shabaab ee ka geystaan Muqdisho.

Dhinaca kale, hay’adda ayaa sheegtay in 34,000 oo qof oo ku shacab ah oo ku barakacay qeybo ka tirsan gobolka Shabeelaha hoose ay soo wajaheen xaalado adag, ayadoo hay’addu sheegtay in kaalmadii la gaarsiin lahaa ay saameeyeen kooxaha nabaddiidka ah ee Al-shabaab.

Ku xirnoow Radio Kismaayo, Isha wararka Xaqiiqda ah

LEAVE A REPLY