Neymar Jr oo dharbaaxo xoogan la damacsan kooxdiisa hore ee Barcelona sababa...

Neymar Jr oo dharbaaxo xoogan la damacsan kooxdiisa hore ee Barcelona sababa la xiriira

150
0
SHARE

ida laga soo xigtay shabakada “Gul” Neymar Jr ayaa wuxuu ka codsaday laacibka eer France ee Paul Pogba inuu ku biiro kooxda Paris St Germain.

Sida warbixitan lagu xusay laacibka reer Brazil ayaa fahansan inuusan wanaagsaneen xiriirka Pogba iyo tababare Jose Mourinho sidaas darteed wuxuu doonayaa in Pogba ay ka wada ciyaaraan PSG.

Neymar Jr ayay wararku sheegayaan inuu doonayo in maamuulka kooxda Paris St Germain uu ku qalqaaliyo inay dadaal ku bixiyaan lasoo saxiixashada Pogba.

Dhinaca kale waxaa jira warar qaar ee xaqiijinaya in laacibka reer Brazil ee Neymar uusan sii joogi doonin kooxda Paris St Germain xili ciyaareedka soo aadan, isla markaana uu ku biiri doono Real Madrid.

Si kastaba hadalkan Neymar Jr ayaa wuxuu imaanayaa xili Paul Pogba dhowr jeer ee horey lala xiriirinayay inuu ku biirayo kooxda Barcelona, laakiin Manchester United ayaa u muuqata mid wali ku dhagan laacibka reer France mana doonayaan inay iibiyaan.

Radio kismaayo codka jubbaland

LEAVE A REPLY