
Suuqa lagu iibiyo Xoolaha Nool ee Magaalada dhoobley ayaa laga Dareemayaa hoos udhac ku yimid qiimaha lagu kala iibsadao xoolaha sida ay Idaacadda Kismaayo u xaqiijiyeen qaar kamid ah suuqleeyda ka ganacsatada xoolaha.
Dadka Reer Miiyga ayaa subax walbo waxa ay suuqa xoolaha Keenaan Xoolaha oo ay ka mid yihiin Geela Ariga iyo Lo’da iyagoo iska iibanaya, hasa ahaatee la soo laabta ayagooo wata xoolahooda Waxaana arintaa keentay ka dib hoos udhac ku yimid qiimaha lagu iibiyo xoolaha
Mid ah dadka ganacsada xoolaha oo lagu magaacaabo muqtaar Rashiid Cali Muxumad oo la hadalayay Radio Kismaayo codka Jubbaland ayaa waxa uu sheegay in xoolo badan oo loo iibgeyn jiray suuqyada xoolaha dalka Kenya dib loogu soo celiyo Soomaaliya, taana ay keentay in magaalo xuduudeedka Dhoobleey ay qiimihii xoolaha hoos uga dhacaan sicirkii hore.
Qiimaha Geela ayaa hadda ah 800 boqol oo dolar markii horena lagu iibsan jiray 1000 dolar
Qiimahiisa Ariga ayaa ah 1,400 oo kun
Qiimaha Lo’da ayaa lagu iibsadaa hadda 250 Dollar halka markii hore Lagu iibsan jiray 300 oo Dollar