Adrien Rabiot oo ka tagaya PSG iyo kooxdaan oo uu doonayo inuu...

Adrien Rabiot oo ka tagaya PSG iyo kooxdaan oo uu doonayo inuu ku biiro

1941
0
SHARE

(Paris) 06 Okt 2018 Xiddiga qadka dhexe ee PSG ee Adrien Rabiot ayaa go’aansaday inuu ka tago kooxda reer France marka uu dhaco qandaraaskiisa.

Heshiiska laacibkaan 23 jirka ah ayaa dhacaya dhamaadka xiliciyaareed kaan, qaab bilaash ah ayuuna uga tagi doonaa PSG haddii aysan iska iibin suuqa Janaayo.

Wargayska Sport ayaa baahiyay in Adrien Rabiot uu diiday dalabkii 4-aad ee PSG ay hordhigtay si uu u saxiixo heshiis cusub kaas oo uu ku qaadanayo sanadkii 9-milyan oo saafi ah.

Laacibka ayaa go’aansaday inuu ka tago PSG oo uusan la sii joogin, wuxuuna doonayaa inuu sameeyo tijaabo cusub.

Ka garab ciyaarida Lionel Messi ayuu u arkaa arin aad u wayn, wuxuuna ku dadaalayaa sidii uu ugu biiri lahaa kooxda Barcelona bisha Janaayo ama dhamaadka xiliciyaareed kaan.

Radio kismaayo codka jubbaland

LEAVE A REPLY